AKHRISO:- Guddoonka baarlamanka oo la kulmay Safiiro

0

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya Cabdiwali Ibraahim Shiikh Muudeey ayaa Muqdisho kulamo gaar gaar ahaa kula qaatay safiirada Maraykanka iyo Uk ee Soomaaliya.

Gudoomiye Muudeey ayaa labada safiir ee Donald Yamamoto iyo Ben Fender kala hadlay sidii ay dowladaha ay ka socdaan usii xoojin lahaayeen taageerada ay siiyaan Soomaaliya.

Kulanka uu gudoomiye Muudeey la qaatay safiirada Maraykanka iyo UK ee Soomaaliya ayaa waxaa goob joog ka ahaa xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoonka baarlamaanka ayaa maalmihi ugu dambeeyay waday kulamo kala duwan oo ay la lahaayeen Xubnaha beesha Caalamka.