Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Deegaanka Warsheekh Oo Geeriyooday

0

Allaha u naxariistee waxaa xalay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Isbitaal Madiina ku geeriyooday Xildhibaan Xasan Cali Xasan Makaraan oo kamid ahaa xubnaha Golaha deegaanka ee Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Marxuumka oo maalmihii la soo dhaafay ku jiray Isbitaal Madiina ayaa u dhintay dhaawac Culus oo kasoo gaaray rasaastii uu ku furay sida la sheegay Guddoomiyaha Degmada Warsheekh Xasan Xaaji Maxamed Darafeey

Maamulka Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa xaqiijiyay geerida Xildhibaanka.

Xasan Cali Makaraan ayaa xilka Xildhibaanimo ee Golaha deegaanka Warsheekh loo doortay 19-ka Bishii Agoosto ee sanadkan 2019, kadib Doorasho ka dhacday Gudaha degmadaas, waxaana xilkaas loo dhaariyay isla Maalintii ku xigtay ee 20-kii Bishaas.