SAWIRRO:-Wararkii ugu dambeeyay ee Kulamadii Dhuusamareeb

0

Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta gobolka Galguduud waxaa xalay kulan ku yeeshay Labo gudddi farsamo oo iska horjeeda, kuwaa oo sheegay in ay ka shaqeynayaan dhismaha maamul u sameynta Galmmudug.

Maalintii shalay waxaa gaaray Dhuusamareeb guddi farsamo oo ay magacaawday dowladda Soomaaliya kuwaa oo loo xilsaaray soo xulista xildhibaannada iyo xalinta khilaafaadka, dhanka kale waxaa horay halkaa u sii jooga oo ku sugnaa guddi uu isna magacaabay madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan.

Madaxa Xukuumadda Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xassan iyo guddigiisa oo kulan ayaa  ayaa sheegay in ay ku dadaali doonaan in Galmudug yeelato sida uu hadalka u dhigay maamul loo dhan yahay oo ay dadkeedu soo dhisteen.

Sheekh Shaakir ayaa beesha Caalamka ugu baaqay in ay taageeraan Guddiga uu Magacaabay oo sheegay in uu yahey mid waafaqsan”dastuurka Galmudug iyo kan Dowladda Faderaalka Soomaaliya.

“Beesha Caalamka waa in ay nagu koontaroosho waxa aan sameyneyno, wixii aan ku xadgudubno ay dhahaan waxaasaa xadgudub ah,wixii nalku xadgudubayana ay dhahaan waa xadgudub” Ayuu yiri sheekh Shaakir.

“Uma baahna Galmudug in lagu xadgudbo, caasimadeeda in lagu xadgudbo uma baahna bulshadeeda ama shacabka in lagu xadgudbo uma baahna, waxay u baahan yihiin in laysu soo dhoweeyo oo loo adeego,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Dhinaca kale waxaa isna dhacay kulan kale oo ay ka qeybgaleen guddiga ay magacaawday dowladda Soomaaliya oo la shiray qeybaha kala duwan ee bulshada, iyaga oo balanqaaday in ay si cadaalad ah u shaqeyn doonaan.

Arrimahan oo dhan ayaa muujinaya in uu jiro khilaaf baahsan oo ka taagan maamul u sameynta Galmudug, kaasoo u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Ahlu Sunna Wajeemaca.

Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa Magaaladda Dhuusamareeb ku sugan waxa uuna kulamo la qaatay qaar ka mid ah Waxgaradka Galmudug,Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo qaybaha kala duwam ee bulshada Dhuusamareeb.