Rasaas Lagu Furay Xarun Uu Ku Sugnaa Madaxa Xukuumadda Galmudug

0

Wararka aan la heleyno Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas laga maqlay rasaas ka dhacaysa

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ee ku sugan Dhuusamareeb waxaa la sheegay inay  rasaas ku fureen Xarunta Inji oo ay degan yihiin Madaxda Sare ee Ahlusunna Waljameeca iyo Guddigii Doorashada Galmudug ee uu Magacaabay Sheekh Shaakir.

Sidoo kale Wararka ayaa intaas ku daraya in xiliga rasaasta lagu furaayay Xarunta Inji uu ku sugnaa Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir iyo xubno ka tirsan Guddigii uu u magacaabay Arrimaha Doorashada iyo Xalinta Khilaafaadka Galmudug.

La soco wixii soo kordha