Guddigii Farsamada Ee Dowladdu Magacaawday Oo Balan Qaadyo Sameeyay

0

Guddiga farsamada dhismaha Galmudug oo Magaalada Dhuusamareeb loogu sameeyay munaasabad soo dhoweyn ah, ayaa ballan qaaday in ay si caddaalad ah ugu shaqeynayaan Bulshada degaannada Galmudug si loo helo maamul loo dhanyahay oo ka qeyb qaata horumarka Dalka.

Cabdulqaadir Nuur Carraale iyo Cabdinaasir Geelle oo xubno ka ah Guddiga farsamada dhismaha Galmudug, ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan dhismaha maamul loo dhanyahay oo ku saleynsan caddaalad iyo daah-furnaan,

Xubnahan oo ay dhowaan Macacowday Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa sidoo kale Bulshada halkaasi ku dhaqan ka codsaday in lala shaqeeyo, si ay u gutaan mas’uuliyadda ka saaran dhidibba u taagidda Galmudug sal adag.

Mas’uuliyiinta kala duwan ee ka hadlay munaasabadda soo dhoweynta ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin guddiga, waxa ayna ballan qaadeen in ay la shaqeynayaan si loo dhammeystiro geeddi socodka dhismaha Dowlad Gobaleedka Galmudug.