DPWorld oo sheegtay in ay Bangiyada caalamka amaah ka la’dahay

0

Sharikadda Dekadaha ee Dubai ayaa sheegtay in ay Bangiyada Caalamka ka la’dahay lacagaha deymaha ah ee ay maalgashiga ku sameyso kaddib khilaafkii dowladda Jabuuti dib ugula wareegtay Dekadda Dooraale.

Sultan Ahmed bin Sulayem oo ah Guddoomiyaha Sharikadda Dubai Ports ayaa yiri: “wax waan maalgelinaa, laakiin qiimo badan ayey noogu kacdaa,halkaas weye halka uu dhaawac naga soo gaarayo”

Waxaa kale oo uu hadalkiisa raaciyay: “Bangiyo yar ayaa na siiya deynta, iyagiina su’aal ayey na weydiiyaan oo ah, haddii Dowladda idinkala wareegto sida Jabuuti oo kale maxaa dhacaya?, taas ayaa dhibaato nagu heyso”.

Dowladda Jabuuti ayaa Bishuu February ee sanadkii 2018kii la wareegtay dekadda Dooraale markii ay isqabteen Sharikadda DPworld.

Sidoo kale Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si cad u diiday maamulka Sharikadda DPWorld ee Dekadda Berbera oo ay ilaa maanta maamusho, hayeeshee shakiga ugu weyni yahay mustaqbalka ciqaabta ka dhalan karta.

Sudaal Axmed ayaa Isniintii Magaalada Kigali ee Dalka Rwanda ka daah furay Xarun fududeysa dhoofinta iyo dhoofsiga Dlaka Rwanda oo ay ku maalgelisay $35Milyan oo doollarka Mareykanka ah.