DHAGEYSO:-Hogaanka Galmudug Oo Qaadacay Guddiga Ahlu Sunna

0

Muran siyaasadeed ayaa ka dhashay Guddiga Doorashooyinka Galmudug ee ay magacaabatay Ahlu Sunna.

Hogaanka dowlad goboleedkaas ayaa wuxuu qaadacay Guddiga, oo uu ku sifeeyay mid baalmarsan sharciga iyo Dastuurka.

Magacaabida Ahlu Sunna ayaa timid iyadda oo xukuumadda federaalka ay magacowday Guddi ka shaqeynaya howlaga maamul dhisitaanka maamulkaas.

Maxamed Xaashi Carabey, madaxweyne ku xigeenka Galmudug, ayaa sheegay in talaabada Ahlu Sunna qayb ka tahay qaladaadka jira Galmudug.