DEG DEG:- Ciidamo La Wareegay Ammaanka Xarun Ay Ku Suganyihiin Guddigii Uu Magacaabay Sheekh Shaakir

0

Magaalada Dhuusa Mareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug waxaa ka bilaabatay Munaasabad lagu taageerayo Guddigga Farsamo ee maamul u sameynta maamulka Galmudug ee uu Magacaabey madaxa xukuumadda Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Xarunta midnimo ayaa haatan waxaa ku sugan xubnaha guddiga farsamada waxaana xusid mudan isla goobtaan in xalay munaasabad soo dhaweyn ah loogu qabtay guddigii farsamada ee ay magacaawday wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya.

Weriyaha dalsan ee magaalaad Dhuusa-Mareeb ayaa soo sheegaya in ammaanka xarunta ay la wareegeen ciidamo ka amar qaata madaxa xukuumadda Galmudug,isla markaana daqiiqado kadib uu isagu halkaas tegay si uu uga hadlo.