Dagaal Culus Oo Dhexmaray Al-Shabaab Iyo Ciidanka Kenya

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo ciidanka Kenya iyo Al-Shabaab ku dhexmaray gobolka Jubadda Hoose.

Iska hor-imaadka oo ka dhacay tuulada Kulbiyow ayaa waxaa ka dhashay khasaaro labadda dhinac soo kala gaarey.

Al-Shabaab oo guulo sheegatay ayaa tilmaamtay in ay duulaanka qaadey markii ay heshay xog ah in ciidanka Kenya dhibaato ka wadaan halkaas.

Dhibaatadda oo ciidamadda Jubbaland ay qayb ka yihiin ayay xustay in ay kamid tahay dhac iyo handaad ay bulshadda u geysanayaan.