DAAWO:-Xisbiga Wadani “Xukuumadii Somaliland waxay Noqotay “Beer iyo Baloodh”

0

Xisbiga Wadani ayaa Dhaliilo Cusub u jeediyey madaxwayne Muuse Biixi iyo Masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland.

Afhayeenka Xisbiga Wadani Barkhad Jaamac Batuun ayaa ugu horayn ka Jawaabay eedaymo Afhayeenka Madaxwaynaha Somaliland iyo Wasiirka Warfaafinta kuwaasi oo C.raxmaan CIrro ku eedeeyay inuu masuul ka yahay dib u dhaca Doorashooyinka uu Mudooyinkii dambe Muranku ka taagnaa.