AKHRISO:- Sheekh Shaakir Oo Kulan La Qaatay Guddigii Uu U Magacaabay Doorashada Galmudug

0

Madaxa Xukuumadda dowlad Goboleedka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir ayaa Xafiiskiisa Magaalada Dhuusamareeb kula kulmay Guddigii shalay uu Magacaabay.

Guddigan oo ka kooban 9 Xubnood ayuu Sheekh Shaakir u magacaabay ka shaqeynta arrimaha Doorashada iyo Xalinta khilaafaadka Galmudug.

Sheekh Shaakir oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Guddigan uu magacaabay lagu saleeyay heshiiskii ay wada galeen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ahlusunna Waljameeca.

Sidoo kale Madaxa Xukuumadda Galmudug ayaa guddigan faray inay ka shaqeeyan howlihii loo xilsaaray, isla markaana ay shaqada u gutaan si wanaagsan, loogana baahan yahay inay soo xulaan Xdhibaanada Cusub ee Baarlamaanka Galmudug.

Isaga oo sii hadlaayay Sheekh Shaakir ayaa waxaa uu tilmaamay in dowladda Federaalka ay ka baxday heshiisyadii kal horey ay la gashay Ahlusunna Waljameeca.

Dhinaca kale Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug ayaa waxaa ku sugan Guddiga Farsamada maamul dhisida Galmudug oo ay Magacaawday Dowladda Federaalka, kuwaasi oo Maanta halkaas, iyagoona maalmaha soo socda halkaas ka bilaabi doona howlaha Doorashada Gamudug.