Shirweynaha Ruushka Iyo Afrika Oo Maanta Ka Furmaya Magaalo Loo Dalxiis Tago

0

Waxaa Maanta oo Arbaco ah lagu wadaa in Magaala Xeebeedka Sochi ee Koonfurta dalka Ruushka uu ka furmo Madasha Dhaqaalaha Ruushka iyo Afrika, iyadoona ay ka qeyb galayaan 50 Hogaamiye Afrikan ah.

Shirweynaha oo socon doona inta u dhexaysa 23-ka ilaa 24-ka bishan ayaa Madaxda dalalka ku bahoobay madashan, Ururka Midowga Afrika, maalgashadeyaasha iyo khubarradu waxaa ay kaga arrinsan doonaan mustaqbalka xiriirka labada dhinac, dagaalka ka dhanka ah argagixisada, kor u qaadista iskaashiga dhinacyada amniga, socdaalka, dhisidda kaabeyaasha dhaqaalaha iyo yareynta saboolnimada.

Shirkan ayaa waxaa dowladda Soomaaliya uga qeyb galaya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo gelinkii dambe ee shalay ka degay magaalada Sochi ee dalka Ruushka.

Shirkan waxaa ka soo qayb-galaya hoggaamiyeyaasha dalalka Afrika iyo Ruushka, dhaqaaleyahanno calami ah, Shirkado waaweyn oo dhanka maalgashiga ah iyo Golaha Guud ee Ururka Midowga Afrika, waxa uuna dalkeenna u yahay fursad aynu ku sii ambe-qaadno qorsheyaasha dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha iyo soo bandhigidda fursadaha maalgashi ee ka jirta dalka .