SAWIRRO:-Garoonka diyaaradaha Doolow oo loogu magac daray wasiir ku xiran Muqdisho

0

Maamulka Jubbaland ayaa ugu magac daray garoonka diyaaradaha degmada Doolow ee gobolka Gedo Wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan oo ku xiran magaalada Muqdisho.

Munaasabada magac bixinta garoonka ayaa waxaa ka qaybgalay guddoomiyaasha degmooyinka Doolow, Beled-Xaawo iyo Luuq oo ka wada tirsan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Garoonka diyaaradaha degmada Doolow ayuu ka soo raacay diyaarad Cabdirashiid Janan kahor inta aan laga qaban garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho 1-dii Bishii September isagoo ku sii jeeday dalka Itoobiya.

Wasiirka Amniga ee Maamulka Jubbaland Cabdirashiid Janan ayaa la horkeenay maxkamada gobolka Banaadir dhowaan isagoo lagu soo eedeeyay dambiyo kala duwan.
Xariga Cabdirashiid Janan ayaa waxaa soo dhoweeyay hay’ada u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International.

Cabdirashiid Janan oo ka soo jeeda magaalada Doolow ayaa noqonaya qofkii ugu horeeyay ee isagoo nool loogu magac daro garoon diyaaradeed.

Magaalooyinka dalka Soomaaliya ayaa waxaa garoomada diyaaradaha ku yaal loogu magac daray intooda badan mas’uuliyiin hore xilal uga soo qabatay dalka.