Madaxweynaha JF Oo Ka Qeyb Galay Furitaanka Shirka Sochi

0

Madaxweynaha Soomaaliya MMaxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ka qeyb galay shirka madasha ee Afrika iyo Ruushka oo ka furmay magaalada Sochi ee dalkaasi.

Shirka oo socon doono 23-24 bishan ayaa waxaa si wadajir ah u furay Madaxweynaha Ruushka iyo dhigiisa Masar oo ah gudodomiyaha Ururka Midowga Afrika.

Sidoo kale waxaa madashan ka qeyb galaya ina badan hoggaamiyeyaasha dalalka qaaradda Afrika.

Inta uu socdo shirkani ayaa waxaa looga hadli doonaa iskaashiga iyo horumarinta Afrika iyo Ruushka, sida uu warbaahinta u sheegay wasiirka arrimaha dibada Somalia.

Ka qeyb galka shirka ee Soomaaliya ayaa ah mid muhiim u leh, iyadoona ka faa’iideysan doonto ganacsatada iyo martida kale ee lagu casuumay shirkaasi sanadlaha ah.