Guddiga Doorashada Galmudug Oo Goordhow Gaaray Dhuusamareeb

0

Guddiga Doorashada Galmudug oo dhawaan ay Magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Goordhow gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug.

Garoonka diyaaradaha ayaa waxaa kusoo dhaweeyay xubno ka tirsan dowladda oo Dhuusamareeb ku sugan, waxaana loo galbiyay Hoyga  uu halkaas ka degan Wasiir Cabdi Maxamed Sabiye.

Ilo xog-ogaal ah oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa sheegay in Ciidamo badan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya la geeyay wadada isku xirta Garoonka diyaaradaha iyo  Magaalada, kuwaasi oo siweyn u adkeeyay amniga..

Guddiga Doorashada Galmudug oo ay Magacaawday dowladda ayaa waxaa la tilmaamay in maalmaha soo socda ay Magaalada Dhuusamareeb ka bilaabi doonaan Qaban-qaabada Doorashada dowlad Goboleedka Galmudug.

Dhinaca kale Dhuusamareeb waxaa ku sugan Guddiga Doorashada iyo xalinta Khilaafaadka Galmudug oo uu magacaabay Sheekh Maxamed Shaakir oo ah Madaxa Xukuumadda Galmudug, lamana oga tallaabada ay qaadi doonto Ahlusunna.