Dagaal Culus Oo Ka Socda Deegaan Ka Tirsan Gobolka Hiiraan

0

Wararka aan ka heleyno deegaan duleedka ka ah Degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaas uu ka socdo dagaal u dhexeeya Kooxda la magac baxday Macwiisleyda iyo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.

Dagaalkan ayaa waxaa uu bilowday waaberigii hore ee saakay, waxaan uu ka dambeeyay sida la sheegay kadib markii Macwiisleyda ay weerar ku qaaday fariisimo Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaan lagu magacaabo Aboorey oo 30 KM u jiray Buulo-burte.

Dadka deegaanka ayaa waxaa sheegeen in dagaalkan uu yahay mid xoogan, isla markaana la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, Inkastoo aysan xaqiijin Karin Khasaaraha ka dhashay.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ay gurmad ahaan uga baxeen Degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan, waxaana la sheegayaa inay wacdeen Macwiisleyda.

Kooxda la magac baxday Macwiisleyda iyo Al-shabaab ayaa dhowr jeer ku dagaalamay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan, waxaana dagaaladaas ka dhashay Khasaarooyin kala duwan.