Ciidamada amaanka Burundi oo dilay ku dhawaad 20 dagaalame

0

Ciidamada amaanka dalka Burndi ayaa lasheegay in ay dileen ku dhawaad 14 ruux oo hubaysan oo weerar ku qaaday waqooyi galbeed gobolka Bubanza, sida booliska iyo goob joogayaalba sheegeen.

Ku xigeenka afhayeenka booliska Burundi ayaa sheegay in raga hubaysan ay kasoo galeen Burundi dhanka Jamhuuriyada Dimoqoraadiga ee Congo.

Sidoo kale wasiirka amniga dalka Burundi ayaa bartiisa twiterka kusoo qoray in 14 kamid kooxdii weerarka soo qaaday ladilay halka 11 kalana gacanta lagu dhigay.

Balse wasiirka ayaana sheegin in weerarkaasi ay wax ciidamo ah kaga dhinteen dowladda Burundi balse goob joogayaal ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in weerarka ay ku dhinteen  dhawr kamid ah ciidamada amaanka.