SAWIRRO:-Taliyihii Ciidanka Gorgor Oo Muddo Afar Cisho Kadib Lagu Aasay Muqdisho

0

Magaalada Muqdisho gaar ahaan Isbitaalka Ciidanka xooga dalka Soomaaliyed ayaa Maanta waxaa Aas Qaran loogu sameeyay Taliyihii Ururka Gorgor ee ka tirsanaa Ciidanka Kumaandooska Xoogga dalka oo 18-kii bishaan lagu dilay Muqdisho .

Aaska Marxuum Maxamed Suleymaan Abuukar (Maxamaadey) ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka amniga gudaha,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka,taliyaasha Ciidamada qalabka sida, Ra’iisul Wasaarihii hore ee dowlada Soomaaliya iyo qeybaha kal duwan ee Bulshada Caasimadda.

Taliyihii Ururka Gorgor ayaa u geeriyooday Israsaaseyn ka dhacday agagaarka Hotel Maa’id Ex Hotel Naasahablood 2 ee Muqdisho,waxaana maalmihii la soo dhaafay ay Cabasho ka taagneyd in la aaso Meydka Marxuumka.

Sababta loo aasi waaye Meydka Taliye Maxamaadey muddo Afar Cisho ah ayaa waxaa ay tahay, kadib markii ay qaar kamid ah eheladiisa ay dalbadeen la caddeeyo cida ka dambeysay dilkiisa, hayeeshee ugu dambeyntii arrintaas xal buuxa laga gaaray.