Safiirka Maraykanka ee dalka Kenya oo Sheegay inuu Madaxwayne Farmaajo kala hadlay Arinta Badda

0

Safiirka dalka Mareykanka u fadhiya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa sheegay in uu ka dalbaday madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in dacwadda badda lagu xaliyo meel ka abxsan maxkmadda caalamiga ah ee ICJ.

Kyle McCarter oo wareysi siiyay wargeyksa Daily Nation ee Nairobi kasoo baxay ayaa la weydiiyay halka dowladda Mareykanka ay ka taagan tahay arrinta badda ee ay isku hayaan labada dal.

“Arrinta waa in si dhaqsa ah wax looga qabtaa, waxaan kala shaqeynay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmajo iyo Uhuru Kenyatta, sidii ay miiska wadhadalka u yimaadaan, aniguna waxaan tegay Magaalada Muqdisho, si aan Madaxweyne Farmajo uga la hadlo arrintan, waxaana ku iri isaga bax kiiska maxkamadda.”

Wuxuu kaloo sheegay in caqabada ugu weyn ee hortaala madaxda Kenya iyo Soomaaliya ay tahay sidii looga adkaan lahaa ururka Alshabaab, taas na ay tahay qaabka keliya ee looga faaideysan karo kheyraadka Badda.

Safiirka oo aan sheegin xilliga uu tegay Muqdisho ayaa sheegay in Madaxweynaha Kenya uu wado dedaalo lagu xallinayo arrintan.

Dowladda Soomaaliya ma aysan shaacinin kullanka uu safiirka sheegay in uu la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya iyo xilliga uu dhacay.

Balse Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa dhowaan magaalada New York oo uu uga Qayb galay Shirka Golaha Ammaanka ee QM, Wuxuu sheegay inaysan Soomaaliya Aqbali doonin in Wax wadahadal ah laga galo Kiiska badda, Waxaana xusid mudan in DF Somalia ay go’aankeeda ku xustay Warkii kasoo baxay Kulan uu soo Qorsheeyay Madaxwaynaha dalka Masar oo dhexmaray Madaxda Soomaaliya iyo Kenya.

Dhageysiga dacwada badda Soomaaliya iyo Kenya ayaa markii labaad dib loo dhigay,  Waxaana isha lagu hayaa Halka uu Saldhigto Kiiska badda oo Wakhti dheer soo Jiitamay, Kaasi oo loo balamay Sanadka soo socda, Hadii alle nagu Simo.