RW Justin Trudeau Oo Mar Kale Ku Guuleystay Doorashada Canada

0

Natiijada horudhac ah oo laga helayo doorashada dalka Canada ayaa muujineysa in xisbiga Liberal-ka ee ra’iisul wasaaraha dalka Canada uu markale ku guuleystay awoodda dalkaas.

Inkastoo uu guuleystay Justin Trudeau ayaa haddana waxaa la sheegayaa in uusan helin kuraastii loo bahnaa ee aqalka barlamaanka, taas oo ku qasbi doonta in uu kaashakdo axsaabta kale ee dalkaas, si uu usoo dhiso dowlad isbaheysi ah.

Walow qeybihii hore ee codeynta uusan Justin Trudeau helin codadka gobolada bariga ee dalkaas ayaa haddana xisbigiisa waxaa uu filayaa in kuraas badan oo barlamaanka uu ka heli doono gobolladaas, taas oo u sahli doonta in markale uu talada dalkaas qabto.

Doorahsada dalka Canada ayaa loo arkaa afti lagu tijaabinayo taageeradaTrudeau oo fadeexado badan ay ku soo baxeen xilligii ololaha doorashada. Xisbiga Liberal ka ayaa loollan adag kala kulmayay xisiga midigta dhexe ee Conservative ee dalkaasi.

Ra’iisul wasaare Trudeu ayaa ku qasbanaan doono in uu iskaashi la sameeyo axsaabta kale ee dalkaas, si uu usoo dhiso dowladda xigta, madaama uusan helin aqlabiyadii loo bahnaa.

Waxaa wali dalkaas ka socda tirinta codadka, waxaana aan la ogeyn tirada kama dambeysta ah ee uu heli doonaa xisbi walba, hasayeeshee haddii saadaasha la bixnayo ay dhab noqoto, waxaa ay niyad jab ku noqon doontaa hogaamiyaha mucaaradka, Andrew Scheer oo aad ugu raja weynaa in uu guuleysan doono.