R/wasaaraha Dalka oo qaabilay Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya

0

Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Djibouti ee Soomaaliya, Amb. Aden Xasan Aden.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Danjire Aden Xasan Aden ayaa ka wada hadlay xoojinta xariirka soo jireenka ah ee labada dowladood ee walaalaha ah.

Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa uga mahadceliyay shacabka iyo madaxda Djibouti sidii ay u garab istaageen Soomaaliya oo ay uga qayb qaateen dib-u-dhiska hay’adaha dawladeed ee dalka.

Labada dawladood iyo labada shacab ee Soomaaliya iyo Djibouti ayaa waxaa ka dhexeeya xariir soo jireen ah oo ku salaysan walaaltinno, is qadarin iyo is-garab istaag.