DAAWO:-Xildhibaan Jangali oo ka hadlay Kiiska Badda, go’aanka dib loogu dhigay iyo Guul-darada Kenya

0

Xildhibaan Jangali oo kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay Kiiska Badda Soomaaliya ee Muranka ay gelisay Kenya iyo go’aanka dib loogu dhigay.

Xildhibaanku wuxuu sheegay inaysan Kenya haysan Sharciyad ay ku doodo oo Rasmiya, Islamarkaana aysan lahayn goobta lagu Muransan yahay, Taasina ay keenayso inay Raadiso in Xeer Jajab ama si Hoose Xal looga gaadho.

“Qof Xaq leh ma diido Sharci iyo Maxkamad, Waxaa muhiim ah in Shacabka Soomaaliyeed, iyo Siyaasiyiintu ay arinta u midoobaan, Siyaasada gudaha waa la isku hayn karaa, laakiin arintan waa in loo Midoobo, Qofka jooga iyo midka Kursiga doonayaba waa inay ilaaliyaan, Xiliga doorashada Qofna kuma dhaco inuu Qaato Tallaabo aan shacabka Soomaaliyeed Ogolayn, Xiliga doorashadu waaba marka Siyaasiyiintu ugu Nugul yihiin”. Ayuu yidhi Jangali.

Jangali ayaa xusay inuu wax badan ka ogyahay Sharciga Arimaha baddaha, Islamarkaana wuxuu sheegay in go’aanka Maxkamaddu dhib ugu dhigtay Dhegaysiga dacwada uu yahay mid ay isku eed tirayso, maadaama ay Kenya dejisay Qorshe ay dood ku keeni karto, Kaasi oo ahaa inay Caydhisay Qareenadii u doodayey.