Akhriso:-Amiin Caamir oo Sawir yaab leh ka sameeyay Uhuru iyo Madaxdii Badda Somalia u Saxiixay

0

Farxshaxanka Soomaaliyeed ee Amiin Caamir ayaa Sawir Cajiiba ka sameeyay Madaxwaynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo Madaxdii Dawladii Soomaaliya ee la gashay Heshiiska Muranka ka taagan yahay ee badda Soomaaliya.

Madaxwaynihii Wakhtigaasi Sh. Shariif , Raysal waasaarihii Cumar C.rashiid iyo Wasiirkii Saxiixay C.raxmaan Cabdishakuur ayaa sawirka lagu muujiyey iyadoo Uhuru uu ka codsanayo inay soo celiyaan Lacagtii ay ka qaateen.

“SOO CELIYA LACAGTII AAD IIGA IIBISEEN BADDA, HADII KALE WAA LA WADA UUNSAN DOONAA”

Mudooyinkii dambe waxaa siwayn isha loogu hayey Dacwadda badda Soomaaliya, oo ay gudbisay dawladii Xasan sheekh, Taasi oo la filayo in Sanadka soo socda ee 2020 Go’aan ay ka gaadho Maxkamadda ICJ.