Meydka Taliyihii Ururka Gorgor ee Ciidanka Kumaandooska oo aan weli la aasin iyo Muran ka taagann…

0

Meydka Taliyihii Ururka Gorgor ee ka tirsan Kumaandooska Ciidanka xoogga dalka ayaa habeenkii 3aad baryay, iyadoo aan la aasin, kaddib markii uu muran ka dhashay dilkiisa iyo sababta loo dilay.

Ehelada Marxuumka ayaa sheegay in Taliyaha iyo ilaaladiisa loo dilay si ku tala gal ah oo aan kama’ aheyn, isla markaana ay dowladda ka dalbanayaan faah faahin rasmi ah.

Kulan dhex maray Ehelada iyo Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa natiijo la’aan ku dhamaaday, waxaana ay ku dhaliileen Wasiirku inuu la soo xiriiray 24 saac kaddib markii uu dilka dhacay, isla markaana markii ay weydiiyeen cida ka dambeysay dilkana uusan siinin jawaab aysan ku qancin.

Ehelada Marxuum Maxaadeey Suleyman Abuukar ayaa sheegay askartii loo xiray habeenkii uu falka dhacay aanay aheyn kuwii dilka geystay.

Hase ahaatee maalintii labaad ayaa la sheegay in la xiray labo qof oo kale oo ka mid ahaa Ilaalada Hotelka Maa’ida ee Ex Naasahablood 2 oo uu leeyahay Wasiirka Amniga Islow Ducaale, waxaana lagu eedeeyay Ilaalada Hotelka inay qeyb ka ahaayeen is rasaaseynta goobta ka dhacday.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in askarti ilaalada ka ahayd Hotelka ay u sheegeen baarayaasha Kiiska in aysan wax ku lug ah ku laheyn dilka, isla markaana rasaasta ay ka timid dhanka taalada xaawo taako ka timid, halkaasoo Koontarool ay ku leeyihiin Ciidanka Madaxtooyada.