Maamulka Mandheera oo dalbaday in lagu daro wadahadallada Kenya iyo Somaliya

0

Ismaamulka Gobolka Soomaalida ee ay Kenya maamusho ayaa dalbaday in lagu daro wadahadallada dowladaha Kenya iyo Soomaaliya u dhaxeeya.

Cali Robo oo ah Guddoomiyaha Gobolkaas ayaa sheegay in ismaamulkiisa Mandheera ay deris la yihiin Soomaaliya islamarkaana waxbadan wadaagaan.

Waxaa uu Cali Roobo sheegay in howsha diblomaasiyadeed ee labada dal ay tahay mid ay leedahay dowladda dhexe ee Kenya hayeeshee maamulkoodu uu waxbadan la wadaago Soomaaliya.

Cali ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay qeyb ka noqdaan wadahadallada dowladaha Kenya iyo Soomaaliya haddii ay casuunto dowladda Kenya oo uu sidaas ka filayo.

Maamulka Mandheera oo ku yaalla Sohdinta ayaa sheegay in dhibaatada ugu badan ee ay Kenya kala kulanto AL-shabaab uu ka dhoco Gobolka.

Waxaa kale oo uu sheegay in Ganacsiga iyo isu socodka dadka uu ka jiro gobolkiisa sidaa sdarteedna ay jeclaan lahaayeen in ay qeyb ka noqdaan wadahadallada labada dhinac.