Soomaaliya iyo Kenya oo ku heshiiyay in aysan istaagin gar-gaarka iyo ganacsiga isaga gudba xuduudaha

0

Wasiiradda Maalinyadda Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku adkeystay in muranka xuduudda badda ee u dhexeeya labada Dowladood uusan joojin doonin gar-gaarka iyo ganacsiga isaga gudba xuduudaha.

Muranka Sooomaaliya iyo Kenya waxaa uu ku saleysan yahay dhulbadeed la eg 150,000 km oo laba jiraan kana tirsan badda Soomaaliya balse Kenya ay u sheegatay in aan sharci ku salaysneyn.

Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Ukur Yatani ayaa suxufiyiinta u sheegay in dacwadda u dhaxaysa dowladaha aysan abuurin cadaawad islamarkaana ay ka wada shaqayn doonaan in mar walba uu xiriirku hagaagsanaado.

Waxaa ay hadalkaan kasheegeen shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaaladda Washington oo ay uga qayb galeen shrirka Bangiga Aduunka iyo Hey’adda IMF.

Wasiiradda ayaa sheegay in gar-gaarka lasiinayo dadka qoxootiga ah iyo ganacsiga labada dhinac ee xuduudda ka gudbaya aan la hor istaagi doonin islamarkaana uu u socon doono sida ugu fiican.

Waxay meesha ka saareen in heerka kasta oo uu marayo muranka Dowlaha uu saameeyo deris wanaaga iyo wada noolaanshaha.

Kasokoow hadalka wasiiradda Dowladda Kenya ayaa sameystay ficillo ay uga falcelineyso diidmadda Soomaaliya ee ah in muranka badda laga wada xaajoodo waxayna qaaday talaabooyin xad gudub ku ah qaranimadda Soomaaliya.

Waxaa qayb ka ah xad gudubka Kenya ay Soomaaliya ku sameysay in si bareer ah ay fasax la’aan dalka kusoo galeen madax ka tirsan Dowladda Kenya.

Dhul-badeedka Soomaaliyeed ee ay Kenya sheeganeyso waxaa ka buuxa khayraad-shidaal iyo kuluunba waxaana Kenya ay mar walba dooneeysa in muranka lagu xaliyo meel ka baxsan maxkamadda caalamiga ah, halka ay Soomaaliya ku adkeysaneyso The Hague uu yaalo xalka muranka.