Saraakiil ka tirsan Hey’adda Socdaalka Soomaaliya oo Tababar ugu soo xirmay dalka Spain

0

Saraakiil ka tirsan Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (HSJ) ayaa tababar ku saabsan Maareynta Xuduudaha iyo Qiimeynta khataraha Socdaalka ayaa waxa uu ugu soo gabagaboobay dalka Spain.

Tababarkan oo socday muddo labo todobaad ah ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galayay xubno Saraakiil ah oo ka kala socday dalalka
Cape Verde, Angola iyo Libya.

Agaasimaha Iskuulka tababarada Booliiska dalka Spain iyo madax ka socotay Hey’adda Frontex oo ah Hey’adda soo qabanqaabisay tababarkan ayaa shahaadooyin gudoonsiiyay Saraakiisha ka qeyb qaadatay tababarka.

Muddooyinkii u dambeeyay Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa sare u qaadeysay aqoonta iyo xirfada Saraakiisha hey’addaas, waxaana jiray tababaro dhowr ah oo dalka dibaddiisa loogu qaaday Saraakiisha Hey’adda.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here