DAAWO:- Maamulka Jubbaland oo Faahfaahin kabixiyeey Nabadoon Kismaayo Lagu dilay

0

Dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa ka tacsiyeysay dilkii caawa magaalada Kismaayo loogu geystay Xaaji Siciid Ciise Cabdi oo kamid ahaa ganacsatada Jubbaland.

Sawirka Nabadoonka la dilay

Afhayeenka wasaaradda amniga Jubbaland Cabdinuur Ibraahim Xuseen ayaa guud ahaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaana dadka Jubbaland uga tacsiyeeyey dilka ganacsadaha.

Afhayeenku wuxuu sheegay in laamaha amniga Jubbaland ay wadaan baaritaanno lagu baadigoobayo dhagarqabeyaashii ka dambeeyey dilka.

Hoos ka daawo Afhayeenka.