AKHRISO:- Dowladda Soomaaliya Oo Ka Codsatay Turkiga Iyo Eritrea Ciidamo Iyo Qalab

0

Wargeyska The Eastern Africa ee ka soo baxa magaalladda Nairobi, waxa uu cadadkiisa shalay oo Sabti ahayd qoray inay Dowladda Somalia Taageero Milliteri hatan ka doonayso Dowladaha Turkiga iyo Eritrea .

Wargeyska waxa uu Qormadiisa ku bilaabay sidatan:

Dowladda Somalia waxay wadaa-xaajood kula jiraan Dowladaha Turkliga iyo Eritrea si ay Taliyayaashooda Ciiddamadda iyo Qalab Milliteri ugu soo daabulaan gudaha Somalia dagaalka lagula jiro Dagaalamayaasha Alshabaab, marka ay Ciiddanka AMISOM ugu daambayntii ka wada baxaan Somalia sannadka 2021-ka, waa sida uu Wargeysku qoray.

Wargeyska The Eastern Africa waxa uu qoray inay Daad-gureynta Ciiddamadda Turkiga iyo Eritreau baahan tahay inay marka hore ansixiyaan xubnaha Golaha Ammaanka ee QM, inkastoo uu muran ka jiro Amarkii Golaha Ammaanka ee Wejiga Daad-gureynta ciiddaanka Nabad-ilalainta AMISONM, xilli ay Ciiddanka Ammaanka DFS lahayn awoodbuuxda oo ay ku sugi karaan Ammanka guud ee dalka Somalia.

Wargeyska The Eastern Africa waxa uu Qormadiisa ku xusay inay Dowlwadda Turkiga hoggaaaminayso Deeq-bixiyayaasha Somaalia, isla markaana ay Balaayiin Dollar ku maalgeeliyeen Mashaariicda Kaabayaasha Somalia ee Waddooyinka, Isbitaalladda, Dugsiyadda iyo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho.

Sidoo kalena ay Dowladaha Somalia, Djibouti, Ethiopia iyo Eritrea dhawaan yeesheen Isbahaysi ay isaga kaashanayaan Arrimaha dhaqaalaha iyo Ammaanka ee dalalka Geeska Afrika.

Dhinaca kalee, Danjiraha Dowwladdaa Turkishka u jooga Kenya, Axmed Kaamil Miroglo oo uu Wargeyska Wargeyska The Eastern Africa wax ka weydiiyey inay Turkiga iyo Eritrea ciiddaamo u diri doonaan Somalia, waxa uu Danjiruhu sheegay inuusan ka war haynin La-tashiyadda noocaasi ah, wuxuuna door-biday inuu Wargeyska The Eastern Africa wax ka weyddiiyo arrintaasi, Safaaradaha Turkiga ku leeyahay gudaha Somalia iyo Eritrea.

Haddii ay Turkiga iyo Eritrea ku tallaabsadaan inay Somalia u diraan Saraakiil Ciiddan iyo Qalab Milliteri, waxay taasi u muuqan kartaa inay Somalia ku guuleysatay Hawlgalka AMISOM ee ay Deeq-bixiyayaasha Caalamiga taageeraan, taaasi oo la filayey in lagu tababaro, laguna qalabeeyo 30,000 oo Askar Somali ah, ka hor intaysan AMISOM ka bixin Somalia sannadka 2021-ka.