Ciidanka Xoogga dalka oo howlgalo ka wada deegaano hoos taga Balanbale

0

Ciidmada Xoogga dalka ee qaybta 21 aad ayaa saaka howlgalo ka wada degaano u dhaxeeya degmooyinka Guriceel iyo Balanbale halkaas oo shalay galinkii dambe lagu dilay ruux xoolo dhaqato ahaa.

Saraakisha hogamineysa howlgalka ayaa sheegay in ay ku raad joogaan koox dil ka gaysatay deegaanadaasi, waxa ayna shacabka deegaanka ka dalbadeena in ay ku gacansiyaan soo qobashada kooxda dilka gaysatay oo ay sheegeen in ku sugan yihiin deegaano u dhaxeeyo Balanbale iyo Guriceel.

Sidoo kale waxaa ay ka dalbadeen beelaha halkaasi wada dega in aysan samayn wax dhaqdhaaq ah oo keeni karta Colaad si looga fogaado dhiig halkaasi ku daata.

Deegaano hoostaga Balanbal ayaa waxaa Xalay ilaa saaka ka taagan xiisad u dhaxeysa maleeshiyaad halkaasi wada daga, waxaana Saraakiisha Ciidanka Dowladda Soomaaliya ee halkaasi ku sugan Mustaqbal u sheegeen in ay sharciga horkeenayaan Cid walba ku lug yeelata Colaadaasi.

Dhawaan ayay aheyd markii hehsiis la kala dhex-dhigey maleeshiyaadkaasi ku dagaalamay duleedka Balanbale,kuwaas oo kasoo kala jeeda guriceel iyo Balanbale,hayeeshee waxa ay u muuqataa in ay dib u soo laabatay dirirta u dhexeeysa labaasi beelood.