SAWIRRO:-Wafdi Ka Socda Dowladda Jabuuti Oo Lagu Soo Dhaweeyay Muqdisho

0

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Sooomaaliya ayaa Maanta waxaa soo gaaray Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta dalka Jabuuti,iyadoona lagu soo dhaweeyay.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa Wasiir Ridwaan Cabdilaahi Bahdoon waxaa kusoo dhaweeyay dhiggiisa Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayid Maareeye iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta dalka Jabuuti oo booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kulan la qaadan doonaan Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Maxamed Cabdi Xayid Maareeye.

Labada Mas’uul ayaa ka wada hadli doona iskaashiga walaaltimo iyo wax wada qabsi ee labada dal iyo labada wasaaradood.