Howlgallo Ballaaran Oo Weli Ka Socda M/ Jowhar

0

Wararka naga soo gaaraya Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in weli ciidamada ammaanka ay howlgallo ka wadaan magaalada Jowhar ee xarunta gobolkaasi.

Howlgallada oo ah kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu ka wadaan xaafadaha Hantiwadaag, Horseed iyo Kulmis oo dhammaan ka tirsan degmadaasi.

Sida ay warbaahinta gudaha u xaqiijiyeen ilo deegaanka waxaa howlgalladaasi lagu soo qab qabtay ku dhowaad 100 qof oo u badan dhalinyaro.

Sarkiisha ciidanka amniga HirShabelle ayaa sheegay in baaritaanadu ay sii socon doonaan tan iyo inta la xaqiijinayo amniga magaallo madaxda maamulkaasi ee Jowhar.