DAAWO:-Sidee Qaraxii 14-Ka October Looga Xusay Magaalada Muqdisho?

0

Magaalada Muqdisho  gaar ahaan Isgoyska 14-Ka October ayaa Maanta waxaa lagu qabtay Munaasabad lagu xusayo dadkii ku dhintay Xasuuqii ka dhacay Isgoyska Soobe ee Muqdisho sanadkii 2017-dii oo Maanta laba sanno ka soo wareegtay.

Munaasanadda ayaa waxaa ka qeyb galaya Madax ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ugu horeyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish,Culimo Soomaaliyeed, Ururka Haweenka Gobolka Banaadir, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo boqlaal shacab ah.

Dadka goobta ka hadlay waxaa qeyb ka ah Ayaan Maxamed oo kamid ah dhallinyarada Soomaaliyeed islamarkaana ciidamada qalabka sida ee qaranka ku biirtay kadib dhacdadii 14-October 2017 lagu xasuuqay kumanaan shacab.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab waxa ay ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed in ay si wadajir ah ula dagaalamaan Al-shabaab.