AKHRISO:- Dowladda Federaalka oo mamnuucday duulimaadyada tooska uga imaanaya Kenya ee ku sii jeeda Kismaayo

0

Maamulka Duulista Hawada ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saaray amar cusub oo ku wajahan duulimaadyada aadaya Kismaayo.

Amarka ka soo baxay Maamulka Duulista Hawada ayaa lagu sheegay in la mamnuucay duulimaad kasta oo ka yimaada Kenya ee ku socda Kismaayo.

Sidoo kale waxaa qoraalka ay iskula hadlaan duulimaadyada lagu sheegay in diyaaradaha aadaya Kismaayo inay soo maraan Muqdisho, taasoo ahaa go’aan horay u jiray oo mar kale dib loo cusbooneysiinayo, waxaana la ogeysiiyay amarkan dowladda Kenya

Wararka qaar ayaa sheegaya in tallaabadan ay ku socoto wafdi ka socda Kenya ee la filayo inay berri ka qeyb galaan caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, kaasoo uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya qorshaha ugu weyn ee dowladda Soomaaliya u soo saartay amarkan ayaa ah in haddii la jebiyo amarkaas ay qaadato go’aan culus oo noqon doona mid saameyn ku yeesha xiriirka Soomaaliya iyo kenya.

Horaantii todobaadkan ayay aheyd markii diyaarad ka timid Nairobi ay si toos ah uga soo degtay garoonka Kismaayo, isla markaana jebisay amarkii horay uga soo baxay dowladda Soomaaliya ee lagu faray dhammaan diyaaradaha aadaya iyo kuwa ka imaanaya Kismaayo ay soo marto Muqdisho.