SAWIRO:- Xaflada Furitaanka Kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka oo socota iyo Madaxweyne Farmaajo oo…

0

Waxaa xilligan ka socota Dugsiga Tababarka Booliska Jen. Kaahira Munaasabadda furitaanka Kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka Labada Gole, iyadoo uu goor dhow xarunta gaaray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Munaasabadda ayaa saacado dib uga dhacday furitaankeeda, kaddib markii ay madaxda ka qeyb galeysa ay dhaqse xarunta imaan waayeen, waxaana muddo socotay suugaano kala duwan oo ay qaadayeen Fannaaniin iyo madadaalo kale, sidoo kale Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo fanaan hore ahaa ayaa hees ka qaaday xafladda.

Kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka Labada Gole ayaa Madaxweyne Farmaajo uu si wadajir ah maanta u furi doonaa, iyadoo ay ka qeyb galayaan Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti, Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Inkastoo xarunta uu ka dhacayo Furitaanka Kalfadhiga 6aad ee Labada Gole aanay ku sugneyn Xildhibaano tira badan, waxaana badankood ay ku maqan yihiin safaro dibadda ah.