AKHRISO:- Khilaaf ka dhashay dhismaha Golaha deegaanka Buulo-Burde oo xoogeystay

0

Qaar kamid ah Odayaasha iyo waxgaradka Magalada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan ayaa markale waxaa ay kasoo horjeesteen dhismaha golaha degaanka degamdaas oo ay ku dhawaaqday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hir-Shabeelle.

Odayaasha oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in ay marnaba aqbaleyn sida ay hadalka u dhigeen isku dhac iyo colaado sokeeyo oo laga dhax abuur Bulshada nabdoon ee Buulo-Burte.

Iyaga oo sii hadlayay ayaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Hir-Shabelle Maxamed Cali Caadle waxaa ay ku eedeeyeenin uu iska horkeenayo Bulshada degmada,isla markaana tasi aysan ka aqbaleyn.

Sidoo kale waxaa ay hadalkooda intaasi ku dareen in degmada Buulo-Burde ay go’doon tahay mudo 7 sano ah,hayeeshee Maamulka Hir-Shabeelle uusan isku dayin hal maalin in uu furo wadooyinka kala xiran ee magaalada.

Ugu dambeyn Dowladda Federaalka Madaxdeeda ayay ugu baaqeen in ay soo fargalino Aerimaha ka taagan magaalada,isla markaana wixi ka dhaca Buulo-Burde uu qaadi doono Wasiirka Arrimaha gudaha Hir-Shabeelle.