SAWIRRO:-Guddoomiyaha Golah Shacabka Oo Shirweyne Ka Daah-Furay Baydhabo

0

Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ka furmay Shirka Guddoomiyeyaasha Gobolada iyo Degmooyinka Koonfur Galbeed.

Shirka ayaa waxaa Daah-furay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan,Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Lafta-gareen iyo Wasiirka Wasaaradda arimaha Gudaha KGS Maxamed Abuukar Cabdi.

Shirka ayaa waxaa ka ahaa wasiiru dowlaha wasaaradda arimaha Gudaha Mudane Cabdullaahi Aadan Maxamed Faray, Agaasimaha guud ee Wasaaradda arimaha gudaha Mustaf sheikh Abdulaahi iyo Mas’uuliyiin kale.

Shirka ayaa waxaa ka qeybgalaya Dhammaan Guddoomiyeyaasha Gobolada Baay,Bokool,Shabeellaha Hoose iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Deegaanadda Koonfur Galbeed,Hay’adaha wadashaqeynta la leh dowladaha hoose iyo Gargaarka.