Qaramada Midoobey oo shaqo joojin doonta dhamaadka October

0

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres, ayaa sheegay in dhamaadka Bishan October ay istaagi doonaan howlaha shaqada ee Qaramada Midoobey.

Guterres ayaa sheegay in Waddamada xubnaha ka ah qaramada Midoobey ay ka gaabiyeen bixinta qaaraanka ay ku shaqeyso islamarkaana shaqada ku dhowdahay in ay istaagto.

Waxaa uu sheegay in waddamada Xubnaha ka ah Golaha ay bixiyeen 70% miisaaniyadda Qaramada midoobey islamarkaana 30% la la’yahay meel laga keeno.

Waxaa uu ka digay in ay sameyndoonaan baajinta kulamada qorsheysan, dhimidda mushaarka shaqaalaha Qaramada Midoobey, yareynta socdaalka Saraakiisha Qaramada Midoobey iyo tallaabooyin kale oo lagu dhimayo qarashka ku baxa shaqada Qaramada Midoobey.

37,000, oo shaqaalaha Qaramada Midoobey ah ayaa wajahaya mushaar dhimis haddii aan la helin lacagta isaga oo sheegay in miisaaniyadda sanadkan 2019 ay dhexda ku dhacday islamarkaana 30% dhimantahay.

Digniinta Guterres ayaa waxaa aysan saameyneyn howlgallada nabad ilaalinta Qaramada Midoobey ee Caalamka.

Mahesh Kumar, oo ah xoghayaha joogtada ah ee Dowladda Hindiya u qaabilsan Qaramada midoobey ayaa sheegay in Dalalka Comoros, Sao Tome iyo  Principe, iyo  Somalia ay buuxiyeen shuruudaha dhaqaalaha Qaramada Midoobey xaqna u leeyihiin in ay codeeyaan hayeeshee ay wajahayaan dhaqaale darro xoog leh loona baahanyahay in la caawiyo.

Miisaaniyadda Qaramada Midoobey ayaa sanadkii gaareysa $5.4 bilyan oo doollarka Mareykanka ah,waxaana 22% lacagtaas bixiya dowladda Mareykanka.