DHAGEYSO:- Xildhibaan sheegay sababta loo sugi la’yahay Amniga Muqdisho

0

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xaaji Adan ( Ibi) oo kamid ah Xildhibanaada golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya oo Galabta ka qeyb-galayay munaasabad soo dhaweyn ah oo muqdisho loogu qabtay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxa uu sheegay Caasimadda in aysan dhismeen hadii aanan la garab istaagin maamulka gobalka banaadir.

Waxaa uu sheegay in magalada Xamar aysan nabad noqoneyn,isla markaana aysan dhismeen hadii dadka muqdisho aysan daacad ka noqon bixinta Canshuurta iyo la Shaqeynta Maamulka gobolka Banaadir.