SAWIRRO:-Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Soomaaliya iyo Jabuuti oo maanta tagaya Baydhabo

0

Wafdi ay hoggaaminayaan Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa maanta ku wajahan magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee Maamulka Koofur Galbeed, halkaasoo ay wadajir uga qeyb galayaan furitaanka kulanka Baarlamaanka dowlad goboleedka Koofur Galbeed.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Maxamed Cali Xumad iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo kaddib u sii gudbi doona magaalada Baydhabo.

Booqashada Wafdiga uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti ayaa qaadan doonta dhowr maalmood, isagoo ka qeyb geli doona Kalfadhiyada Baarlamaanada Federaalka Soomaaliya iyo kan Koofur Galbeed oo todobaadkan furmaya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo haatan ku sugan Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa soo dhoweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti, waxaana la filayaa inay wadajir ugu ambabaxaan  Baydhabo.

Guddoomiye Mursal ayaa waxaa safarkiisa Baydhabo ku wehliya Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka iyo Wasiiro.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo shalay magaaladaas uu gaaray wafdi uu hoggaaminayay Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Muqdisho.