Jubaland oo ka hortimid habraaca doorashada ee DF

0

Maamul Goboleedka Jubaland ayaa ka soo horjeestay war xalay ka soo baxay Waasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka dowladda Soomaaliya.

Cabdi Xuseen Sheekh oo ah Warfaafinta Jubaland, ayaa sheegay in habraaca doorashada ee ay soo saartay dowladda Federaalka ah uusan iyaga quseyn.

Cabdi waxaa uu sheegay in ay doorteen madaxweynaha Jubaland sidoo kalena u dhimanyahay caleemasaarka isna ay qabanayaan.

Dowladda Federaalka ah ayuu ku eedeeyay in aysan u tureyn dadka ay mas’uulka ka tahay waxaana uu ku dhaliilay in markii ay dowladda dhexe timid ilaa hadda aysan wax turis ah u sameeyn dadka rayidka ah.

Dowladda Federaalka ah ayaa xaaraantinimeysay doorashadii 22kii August,waxaana ay xalay soo saartay habraaca cusub ee doorashada Maamulka Jubaland ee lagu dooranayo baarlamaanka 2aad ee maamulkaas.

Khilaadka dowladda dhexe iyo Jubaland ayaa ka dhashay markii Axmed Madoobe uu qabtay doorasho isaga dib loogu doortay taas oo beesha Caalamka iyo dowladda Federaalka ahba diideen natiijada ka soo baxday.