Seeraar “Waxaa jira Siyaasiyiin u soo hanqal taagaya inay Kismaayo iyo Jubbaland colaad ka huriyaan”

0

C/naasir Seeraar Maax oo horay ugu dhawaaqay in taageerayaashiisa ay u doorteen Madaxweynaha Jubbaland ayaa uga digay siyaasiyiin iyo madaxdii hore ee Soomaaliya inay colaad ka huriyaan magaalada Kismaayo.

Mr Seeraar ayaa sheegay in la rabo in Jubbaland laga dhigo fagaaraha doorashada 2020 iyo in laga ololeeyo oo la rabo in Soomaaliya laga burburiyo sida uu yiri.

“Dad waxaa jira siyaasiyiin Soomaaliyeed hada ka hor waa ka hadlay oo u soo hanqal taagaya colaada Kismaayo iyo Jubbaland inay huriyaan, waxaa ka mid ah Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya oo aad moodo in is bedel inay halkan kaga ololeeyaan waa nasiib darro in halkan looga ciyaaro banooni oo Soomaaliya laga burburiyo, ma ogolaaneyno waa diidnay in Kismaayo noqoto goob laga duulo”ayuu yiri C/naasir Seeraar.

Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay Xisbiyada siyaasadda iyo Madaxweynaha Puntland inay ka waantoobaan caqabad inay ka abuuraan Kismaayo.

“Siyaasiyiinta xamar jooga iyo iyo Puntland waxaa idin kaga digayaa in aad halkaan caqabad ka abuurtaan, haddii khilaaf jiro waa in aad dib u heshiisiin sameysaan ma ahan inaan gurbaan colaadeed aad garaacdaan”ayuu mar kale yiri C/naasir Seeraar.

C/naasir Seeraar iyo C/rashiid Xidig ayaa hoggaaminaya Golaha la magac baxay is bedel doonka Jubbaland ee bishii Agosto ee la soo dhaafay ay si kala gaar gaar ugu dhawaaqeen in taageerayaashooda ay u doorteen Madaxweynaha Jubbaland.