DAAWO:-Wakiilka Jabuuti oo loogu baaqay inuu 24-saac uga baxo Hargeisa iyo Xildhibaan Hanjabaad Culus u diray

0

Xildhibaan Axmed Diiriye Nac-nac oo kamid ah Baarlamaanka Somaliland ayaa ka hadlay Hadalkii kasoo yeedhay Wakiilka  Jabuuti u fadhiya Hargeisa, Isagoo sheegay inay Wax ka qaban doonaan, wuxuuna codsaday inuu ka baxo Somaliland

“Safiir ku sheega Jabuuti u fadhiya Hargeisa Hadalkii kasoo yeedhay,   ayaa naga yaabiyey Isagoo u Hanjabaya Faysal Cali Waraabe, Hadalkii Faysal waa Runtii  Jabuuti waa Cadowga Koobaad ee Somaliland, Hiil Walaal ayay Muqdisho ula baxeen “.

Hadii Muuse Biixi uu Seedi-nimo u Qadarinayo Jabuuti iyo baasaboorka uu hayso,  Waxaan leeyahay Dawladda Somaliland waa in 24-Saacadood dalka looga saaro  Hargeisa, Hadii kale shaqo ayaa laga qabanayaa “