Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya Oo Ku Xariyan Kismaayo

0

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku xayiran Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Jubbaland,kuwaasi oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa  halkaas.

Xildhibaanada Baarlamaanka ee ku sugan Kismaayo ayaa waxaa saameeyn ku yeeshay xayiraadii dowladda Federalka Soomaaliya saartay duulimaadyadii halkaas tegi jiray iyo kuwii ka imaan jiray.

Sidoo kale Xildhibaanada xayiran ayaa waxaa la sheegaya in doonayaan in Magaalada Muqdisho ay soo adaan ,hayeeshee aysan jirin wax duulimaad ah oo tagaya Kismaayo,xili dhawaan lagu wado inuu furmo kal-fadhiga 6-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya.