DAAWO: Waddankee laga iibiyay safaaradda Soomaaliya ee Washington?.

0

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay qiimaha ay ka bixisay Safaaradda cusub ee ay Soomaaliya ku leedahay magaalada Washington.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/Raxmaan Ducaale Belye ayaa sheegay in dhismaha Safaaradda laga bixiyay lacag dhan $4.3 Milyan oo doollarka Mareykanka ah.

Waxaa uu sheegay in Guriga dhismaha Safaaradda ay lahayd Dowladda Columbia islamarkaana laga siiyay lacagtaas.

Safaaradda cusub ee ay Soomaaliya ka iibsatay Dalka Mareykanka gaar ahaanna caasimadda Washington ayaa waxaa ay ku taallaa goob istiraatiiji ah islamarkaana ku badanyihiin safaaradaha Caalamka.

Wasiir Beyle oo ka hadlayay munaasibaddii xarigga looga jarayay safaaradda cusub ayaa sheegay in lacagta laga bixiyay dhismaha safaaradda cusub laga jaray miisaaniyadda sanadkan 2019 islamarkaana dowladda Soomaaliya hadda hanti ma guurto ay ku leedahay dalka Mareykanka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa safaaradda cusub xarigga ka jaray, isaga oo ku faanay in safaaradda aysan ku oollin luuq luuq ee ay ku taallo dhul diblomaasiyiinta iyo safaaradaha ku badanyihiin.

HOOS KA DAAWO: