SAWIRRO:-Shir looga hadlayay Shidaalka Soomaaliya oo lagu soo gabagabeeyay Addis Ababa

0

Waxaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya lagu soo gabagabeeyay shir looga hadlayay ka faa’ideysiga kheyraadka Shidaalka uu leeyahay Soomaaliya oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka socday Maamul goboleedyada iyo khubaro dhanka shidaalka ah oo ka socda dalka Norway, waxaana muhiimadda ugu weyn ee shirkan diiradda lagu saaray ka mid ahaa u diyaar garowga kheyraadka Soomaaliya, gaar ahana Shidaalka

Wasiir kuxigeenka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Maxamuud C/qaadir Hilaal ayaa sheegay in arrimihii lagu dardar gelinayay shirkan uu ka mid ahaa shidaalka, isla markaana si wax ku ool ah looga faa’ideystay, waxaana uu xusay in jawi wanaagsan ugu soo gabagaboobay.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay ahmiyad gaar ah siineysay arrimaha Shidaalka Soomaaliya, iyadoo dhowaan Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka ay si wadajir ah u ansixiyeen sharciga Batroolka.

Shirkad laga leeyahay dalka Norway oo lagu magacaabo Spectrum ayaa u xilsaartay sahminta shidaalka Soomaaliya, iyadoo shirkadan horaantii sanadkan ku soo bandhigtay magaalada London goobaha laga sameeyay sahanka Shidaalka ee uu ceegaago shidaalka.