Mareykanka oo cunaqabeyn ku soo rogay Shaqsiyaad Soomaali ah

0

Wasaaradda Maaliyadda Dalka Mareykanka ayaa waxaa ay cunaqabateyn saartay Shaqsiyaad Soomaali Kenyaan ah oo lala xiriiriyay in ay xiriir la leeyihiin Argagixisada.

Shaqsiyaadkan oo isugu jira Ganacsato iyo Culimo ayaa waxaa ka mid ah  Sheikh Hassaan Hussein Adam (Hussein), Sheikh Hassaan (Omar), Mr Hassan Mahad (Omar) iyo  Mr Hassan Mahad.

Waxaa kale oo Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka cunaqabateynta saartay shaqsiyaad u dhashay Dalka Masar sidoo kalena heysta dhalashada Dalka Kenya waxaana ka mid ah Al Masri, Abd Al Wakil (Ali) iyo Moustafa Ali Elbishy (Al Masri .

Waxaa kale oo ay Wasaaradda liiskan ku dartay hay’ad fadhigeedu yahay Gaarisa oo lagu magacaabo Al- Xarameyn.

Sidoo kale liiskan waxaa ku jira Shaqsiga lagu magacaabo Abdifatah Abubakar Abdi (Muhajir, Musa), oo u dhashay Soomaaliya hayeeshee deggan Mombasa.