Ilwad oo Horey aabaheed Loogu dilay Muqdisho oo Abaal Marin Wayn filaysa

0

Ilwad Elman oo ah Gabar dhalinyaro ah una dhaqdhaqaaqda Nabadda ayaa la filayaa in sanadkan ay ku guuleysato abaalmarinta Nobel Peace Prize, sida laga soo xigtay Machadka Daraasaadka Nabadda (PRIO) ee fadhiggiisu yahay magaalada Oslo ee dalka Norway.

Ilwad oo sanadkii 2010kii ka soo wareegtay dalka Canada una soo guurtay Soomaaliya ayaa sii dhaqaajisay himilooyinkii Aabaheed Elman oo ahaa Aas-aasaha hay’adda Elman oo ah hay’ad ka shaqeysa nabadda iyo xuquuqda Aadanaha.

Ilaa 200 oo ruux oo loo xushay ama u sharraxan abaalmarinta ayeey Ilwad ka mid tahay 10 ka qof ee ugu sarreeya, waxaana gaar ahaan la filayaa in ay ka mid noqoto guuleystayaasha abaal-marintan Nobel-ka.

Hay’adda Elman oo ay hadda gacanta ku heyso Ilwad ayaa ka shaqeysa siddii looga hortagi lahaa in Carruurta la Askareeyo taa badalkeedana lagu dhiiri-galiyo in ay wax bartaan, iyadoo hal ku dhigge hay’addu yahay ‘’Dhig Qoriga ee Qalinka Qaado’’ sidoo kale hay’adda ayaa ka shaqeysa ka hortaga faraxumeyta loo geysto haweenka iyadoo dhinaca kalana bixisa talooyin la xiriir dhinaca xuquuqda Aadanaha.

Waxaa ay sidoo kale Hay’addu bartaa dhalinyarrada Soomaaliyeed farsamooyinka gacanta iyadoo ay hadda jiraa kuwo badan oo ka aflaxay xarunta hay’adda iskoodna ugu shaqeysta farsamadii ay barteen.

Ilwad ayaa sheegtay in abaalmarintan haddi ay ku guuleysato noqon donin oo kaliya guul iyada u soo hooyatay, laakiin ay noqon doonto abaalmarin ku timid dadaalka dhamaan dadka saameynta ku leh hay’adda Elman oo fadhiggeedu yahay magaalada Muqdisho.

Elman Cali Axmed oo ahaa Aas-aasihii hay’addan [Elman] ayaa lagu dilay magaalada Muqdisho sanadkii 1996dii, isaga oo ahaa shaqsi burburkii Dowladdii Dhexe ee dalka kaddib u astaagay in dib loo soo nooleeyo rajada Ubadka Soomaaliyeed oo watigaa ku dayacnaa dalka qeybihiisa kala duwan, isaga oo ku dhiiri-galin jiray in ay wax-bartaa si ay mutaqbalka u noqdaan dad iskood u shaqeysta.

Haddii ay Ilwad ku guuleysato abaalmarintan waxaa ay noqon kartaa guulweyn u soo hooyatay bulshada Soomaaliyeed, iyadoo noqoneysa qofkii ugu horeeyay ee loo xusho abaalmarintan iyadoo ka shaqeyneysa gudaha dalka Soomaaliya.