Faah Faahin:-Dil Ka Dhacay Gudaha Suuqa Bakaaraha Ee Muqdisho

0

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa Goordhow gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ku dishay haweeney la sheegay inay goob ganacsi ku laheyd halkaas.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxaa ay u sheegeen in dilkaas ay haweeneyda u geysteen rag dhalinyaro ah oo watay Bastoolado,iyadoo rasaas looga dhuftay qeybaha sare ee Jirkeeda u geeriyootay.

Sidoo kale Haweeneyda la dilay ayaa waxaa ay gudaha Suuqa Bakaaraha ku laheyd goob lagu iibiyo Shaaha,isla markaana ay aheyd qof Caanka halkaas,waxaana goobta uu falka ka dhacay si deg deg ah uga baxsaday ragii fuliyay falka.

Qaar kamid ah Ehelada Marxuumada iyo Ciidamo kuwa Booliska Soomaaliya ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay,isla markaana goobta ka qaaday Meydka Haweeyneyda,iyadoo sameeyay baaritaano aan wax natiijo ah ka soo bixin.