AKHRISO:- Dhalinyaro Soomaali ah oo doonayay inay galaan Yurub oo haatan la dejiyay Afrika

0

Qaar ka mid ah dhalinyaro Soomaaliyeed oo doonayay in ay galaan dalal ku yaal qaarada Yurub ayaa haatan oggolaaday in la dejiyo wadan ka mid ah dalalka Afrika.

Soomaalidan oo aan tiradooda la sheegin ayaa waxa ay ka mid yihiin illaa 66 ruux oo laga soo raray dalka Libya kuwaasoo haatan la dejiyay duleedka magaalo madaxda dalka Rwanda ee Kigali.

Soomaaida ka mid ah qaxootigan ayaa waxaa ka mid ah hooyo iyo aabe haysta ilmo labo bilood jir ah.

Ha’yadda Qaramada Midoobey u qaabilsan qaxootiga ee UNCHR iyo dowladda Rwanda ayaa ku heshiiyey in muhaajirintaas la dejiyo dalka Rwanda waxaana kooxdii ugu horreysay laga soo duuliyay dalka libya.

Rwanda waxay ku aqbashay inay qaabisho in ka badan 500 qof oo muhaajiriin ah oo ku xayirnaa dhibaatooyinka ka taagan dalka Libya kuwaas oo isku dayay inay gaaraan Yurub.

Muhaajiriinta waxaa la geeyay xarunta Gashura oo dhacdo koonfurta magaalada caasimadda ah ee Kigali.

Qaramada Midoobey waxay sheegtay in ka badan 4,500 qof oo muhaajiriin ah oo ku sugan xeryo ku yaal Libya ay u baahan yihiin in si deg deg ah halkaas looga soo daabulo maadama ay noloshooda halis ku jirto.